Casho sharaf lagu taageerayey doorashii xiriirka kubadda cagta Soomaliya oo bahda cayaaraha Stockholm ku yeelatay maqaayadda Jubba

in@ceelbuurn

Casho sharaftan oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Cabdulaahi Cilmi M. oo loo yaqaan Asad iyo ururweynaha SEUKI ayaa waxaa ujeedadeedu aheeyd in lagu taageero Doorashadii dhawaan uu xiriirka Soomaliyeed ee kubadda cagtu yeeshay isla markaana mar kale guddoomiye loo doortay Saciid Maxamed Nuur ( Mugaambe ) iyadoo sidoo kale guddoomiyaha ururweynaha sanadkan 2010 Mudane Xiireey Axmed Rooble loo doortay inuu ka mid noqdo xubnaha uu ka kooban yahay guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

Cashadan ayaa waxaa ka soo wada qeyb galay labada urur ee midna qabto cayaaraha xagaaga kubadda cagta midna qabto cayaaraha kubadda koleyga kala ah SEUKI iyo SKIF ayaa waxaa ujeedada ugu weyn ee loo qabtay ay aheeyd taageero doorashada dhawaan dhacay in sidoo kale qiimeyn ku saabsan cayaarihii xagaaga ka dhacay Stockholm ee ka koobnaa kubadda cagta iyo kolleyga.

Cashadan oo lagu qabtay maaqayadda Jubba oo dhawaan laga furay xaafadda Akalla oo ku taal wuqooyiga magaaladan Stockholm ayaa waxaa halkaa ka hadlay odayaasha Sportiga magaalada Stockholm kuwaasoo ay ka mid yihiin Cabdulqadir M. Cabdulle ( Cabdi Cadde ) , Bashiir Cilmi Sahal ( Bashiir Jeenyo ) , Asad Ceeymow , Abuukar Cabdulle ( Dhabareey ) , Maxamed Muuse ( Jabroos ) , Sabriye Gaaboow , Cabdalla Aden Hassan , Maisal Makaraan , Abukar Adan Deeqow ( Boss Caato ) iyadoo inta badana uu hadalku u badnaa in si dhab ah loo taageero lalana shaqeeyo Mudane Xiireey oo haatan ka mid ah xubnaha guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, Hadalada halkaa laga dhawaajiyey ayaa waxaa ka mid ah in Xiirey Rooble iyo Maxamed Muuse iyo Faisal Makaraan aan la isaka soo dooran iyagoo Stockholm iska fadhiya balse lagu doortay in garbahooda ay buuxin karaan bahda Sportiga Stockholm oo runtii ka muuqada qaaraddan Yurub iyo waliba dunida inteeda kale .

Xafladan casho sharafta aheeyd ayaa waxaa xiriirinayey xoghayaha ururweynaha SEUKI Cabdiwali Maalin iyadoo xafladdana ay ku dhamaatay jawi aad u qurxoon runtiina laga dheehan karay in bahda Sportiga Sweden ay aad iskugu baahan yihiin wadajirkooduna ay wax aad u weyn u qaban karaan dhalinyarada Soomaliyeed uu ku nool dalkeeni hooyo iyo waliba qurbaha.

News Editor
ceelbuurnet.com

Contact us at: admin@ceelbuurnet.comadmet.co

Copyright © 2007 ceelbuurnet.com