in@ceel
Ciyaartii Fiinaalka ee kubadda
Cagta Eurosom ee sannad waliba lagu qabto qaarada Yurub
ayaa waxaa ugu danbayntii ku guuleystay kooxda martida
loo yahay ee Kanava Finland ka dib markii 4 0 ay
ku garaacday kooxda Gothenburg ee dalka Sweden.

Ciyaarta maanta la
ciyaaray oo aad u kululeyd ayaa waxay ku bilaabatay dar
dar iyo is afgarad koox waliba dhexdeeda ah waxaana
kooxda Gotherburg ay iska qasaariyeen labadii galinba
sedex fursadood oo ciyaaryahanka lambarka 8 aad uu
la dul tagay goolhayaha kasoo mar waliba ka qasaariyey
fursadahaasi dahabiga ah.

Fursadihii ay
qasaariyeen kooxda Gothenburg waxaa ka faaideeystay
ciyaaryahanada kooxda Kanava Finland taasoo qeybtii danbe
ciyaarta wax weyn ka badashay ka dib markii uu badal
kusoo galay ciyaaryahanka baalka midig ee difaaca ka
ciyaara oo lambarka 2 aad u sitay Kanava kaasoo
keenay Rigoore ay heshay kooxdiisa.

Rigooraha ayaa u
laaday kabtankooda kuna hubsaday shabaqa, waxaa misana ay
heleen 3 fursadood oo kale waayna ka faaideysteen
waxaayna kusoo idlaatay 4 0 ay guushu ku raacday
kooxda Kanava.

Ciyaarahaan ayaa
waxaa ka qeyb galay ilaa 7 kooxood oo loo qeybiyey
2 garuub waxaana kasoo baxay min laba koox kuwaasoo semi
finalkii shalay ciyaaray waxaana kaalinta sedexaad soo
ciriirsaday kooxda ugu ciyaar fiicnayd sannadkaan ee
Walaalaha Qaraabo.

Gabagabadii ayaa
koobka waxaa gudoonsiiyey kooxdii ku guuleysatay
Gudoomiye Kuxigeenka kowaad ee Gudiga Olompikada
Soomaaliyeed Duraan Faarax iyadoo ay goob joog ka
ahaayeen madax kala duwan oo ay ka mid ahaayeen
Gudoomiyaha Eurosom Mr. Maxamed Axmed Diini, Xoghayaha
Olompikada Soomaaliyeed Mr. Cabdulaahi Tarabi, Tababaraha
Xulka Qaranka Baasketka Cabdulaahi Sheekha iyo xubno kale
oo ka tirsan Xiriirka kubada Cagta Somalia.

Ciyaatoyda Kanava ee sanadkan ku
guulaysatay koobka ayaa waxaa magacyadooda
Macalinka Mohamed
Mukhtar Abdi atlantiz

Ciyaartoydda kooxda:
1. Liban Nur
2. Guled Ahmed Askar
3. Mohamed Moallin
4. Abdihakin Ibrahim
5. Mohamed Sadiq Jama
6. Abdiqadar Hassan Farah Caapo
7. Saadaq Mohamed Aden
8. Asad Ali
9. Bashir Mukhtar
10. Mubarik Mohamed
11. Farhan Omar
12. Mohamed Mohamud
13. Said Yusuf Keysani
14. Khadar Aden
15. Said Guled
17. Mahad Ali
18. Abdirahman Yussuf Ogeli
19. Deeq Abdi Ali
20. Tiibe Khalif Ahmed
21. Farhan Tahir
22. Hashim Shariif
23. Ahmed Isse Fuush

Xalfad si weyn loo
soo agaasimay oo loogu talo galay xeritaanka ciyaaraha
Eurosom ee ka dhacayey dalka Finland caasimadiisa
Helsinki ayaa waxaa shahaadooyin hawl karnimo lagu
gudoonsiiyey Dhamaan cid alaale iyo cidii ka shaqeeysay
ama wax la qabatay ururweynaha EuroSom.
Xafladaas ayaa waxaa
looga mahadceliyey dhamaan webabkii qaybta weyn ka
gaystay oo ay ka mid ahaayeen webabka Deeyoo.com,
Hiiraanonline, Somaliweyn.com, Dayniile.com, Calanka.com,
Midnimo.com,Somalisc.com,Somsport.com,Isboorti.com,Soomaalidamaanta.com,Xusuus.com
Xidigaha.com,Ceelbuurnet.com,Onkot.com,Warasan
radio,Universaltv,webka xiriirka kubadda
cagta,kubadda.com,markacadey.com,togdheeronline.com
Gudoomiyaha Eurosom
Mr. Maxamed Axmed Diini ayaa ugu
mahadceliyey dhamaan shabakadahan sidii
diiranayd ee ay ciyaaraha Eurosom isugu Xilsaareen inaay
dadweynaha Soomaaliyeed ka haqab tiraan baahida ay qabaan
inaay wax ka ogaadaan tartamada ka dhacaya Yurub kuwaasoo
ku firirsan dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibadiisa ee
xiiseeya ciyaaraha Soomaalida ee lagu qabto sannad waliba
dal ka mid ah dalalka qaarada yurub oo ay isugu yimaadaan
dhalinyaro Soomaaliyeed.
Madaxa Media ee
EuroSom Abdiaziz Godah ayaa isaga oo ku hadlaya magaca
dhamaan websaaydyadda aan kor ku xusnay waxaa uu
hambalyo u diraya dhamaan Madaxda EuroSom,kuwa
kooxaha,Ciyaartooyda iyo shacabkii ka qeyb qaatay
ciyaaraha Eurosom ee sannadkaan lagu qabtay dalka Finland.
Abdiaziz
Godah
agodah@hotmail.com
Helsinki-Finland
Contact us
at: admin@ceelbuurnet.comadmet.co
Copyright © 2007 ceelbuurnet.com
|