15-03-2010 13:14:55Ceelbuurnet.com

 

 

Shirsanadeedkii ururweynaha SEUKI oo dhawaan ka dhici doona magaalada Leicester ee dalka UK

 

Waxaa dhawaan magaalada Leicester oo ku taal dalka Uk ka dhici doona shirsanadeedkii uu ururweynaha SEUKI yeelan jiray sanadkiiba mar kaasoo isla markaa lagu sameeyo qorituurka tartansanadeedka iyadoo snadkan 2010 ay cayaaraha SEUKI 2010 ka qeybgali doonaan 12 kooxood.

 

Maamulka ururweynaha SEUKi ayaa wuxuu waayahanba si xowli leh u waday howlihii ku aadaanaa sanadcayaareedka 2010 iyadoo uu ururka SEUKI qabto cayaaraha ugu ballaaran xiliyada kuleeylaha qaaraddan Yurub iyadoo cayaarahooda ay u soo daawasho tagaan dad aan ka yareeyn 10 000 oo qof.

 

Sanadkan ayaa waxaa cayaaraha xagaaga SEUKI markii ugu horeeysay ka soo qeybgalaya koox ka socta dalka Austaralia taasoo cayaarahan xiisahooda sii kordhin doonta.

 

Maagalada Leicester ayaa sidoo kale waxaa ka dhici doona Super Cup ay qabtaan urur Leicester iyadoo halkaana ay isku arki doonaan inta badan kooxaha ka cayaara cayaaraha xagaaga SEUKI taasoo sababtay in shirsanadeedka ururka sanadkan lagu qabto isla magaaladaasi Leicester.

 

Sanadkan 2010 ayaa waxaa cayaaraha kubadda cagta oo uu ururka SEUKI qabanayo garab socda cayaaro kubadda koleyga ah oo uu qaban doono ururka SKIF iyadoo daawashada cayaarahana ay sugayaan dad aad u fara badan.

 

Waxaa haatan diyaargarow ku aadan safarka Leicester isku diyaarinaya maamulka ururka SEUKI iyadoo uu shirsanadeedkuna dhici doono inta u dhaxeeysa 6-8 bisha April ee fooda inagu soo heeysa.

 

News Editor

Ceelbuurnet.com

admin@ceelbuurnet.com

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com